Domain names

5 sababood oo aad ugu baahan tahay inaad si degdeg ah u qabsatid domainka dotSo.

Domain waxaa loo yaqaanaa magaca si gaar ah loo xukumo oo internetka lagu isticmaalo. Magacaaga ama domainkaaga waa aqoonsi adiga kuu gaar ah. Shakhsi kasta, ganacsi kasta ama urur kasta oo u baahan iney yeeshaan kasoo muuqasho internetka ah, waxey u baahan yihiin magac ayaga u gaar ah.

Marka aad leedahay magac adiga kuu gaar ah oo aad u adeegsan kartid ganacsigaaga iyo fariin qoraalladaada waxey mujiinaysaa inaad tahay qof ama ganacsi xirfad leh.

Ujeeddo kale oo ay ganacsiyada u diiwaan gashtaan magacyadooda ayaa ah iney xifdiyaan xuquuqda magacooda iyo inaan ganacsigooda la guurinin. Iyo iney dhisaan kalsooni lagu qabo ganacsigooda iyo iney abuuraan qorshe looga warhayn karo ganacsigooda ama shirkaddooda. Ujeeddo kale oo loo diwaan galiyo magacyada ayaa ah in boos fiican ay ganacsiyada kasoo muuqdaan marka internetka laga baarayo wax ganacsigooda ama fikirkooda quseeya.

Sababaha aad ugu baahan tahay inaad si degdeg ah udiwaan gelisid domainkaaga dotSo ga ah:

  1. Magaca wuxuu ku dhammaadaa .SO oo u taagan Soomaaliya. Dadka haysta magacyadaan waxaa loo fahmaa iney yihiin shaqsiyaal ama ganacsiyo ka diiwaan gashan dalka Soomaaliya, sidaa darteed hadii magacaaga uu ku dhammaado .SO waxaa sahlan in si fudud laguu aamino ama laguugula soo xiriiro hadii waxa aad qabatid looga baahdo dalka gudahiisa
  2. Waxaad ka hortageysaa in qof ama shirkad kula tartameysa ay kaaga hormarto diiwaan gelinta magac aad adiga ku shaqeysid ama aad rabtid inaad ku shaqa bilowdid, waana sababta ugu badan ay shirkada waaweyn ay u diiwaan geliyaan magacyadooda oo qaabab kala duwan ku dhammaado
  3. Waa raqiis. Magacyada ku dhammaado .SO waxey ka mid yihiin magacyada ugu raqiisan dunida waana arin faa’ido gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed. Waxaa laga yaabaa inaad magacaa aad rabtid ku diiwaan gelin kartid $15 oo kaliya, halka dadka aan ku nooleyn Soomaaliya ay isla .SO ku iibsadaan lacag qaali ah oo gaareysa $80.
  4. Waxaa bannaan magacyo badan, .SO wuxuu kamid yahay magacyada domain-nada aan si buuxda loo diiwaan gelinin, sidaa darteed waxaa hadda kuu fudud inaad heshid magacyo badan oo laga yaabo inaadan heli doonin mustaqbal ama waqti yar un kedib.
  5. Barta internetka ee ganacsigaaga waxaa mar kasta uwanaagsan inuu lahaado cinwaano kala duwan, si aad fursad ugu heshid inaad hal bar kusoo leexisid dadka soo booqada cinwaannadaada kala duwan.

Waxaa laga yaabaa in ganacsigaaga uu horay domain kale sida .COM, hasa yeeshee waxaan kuugula telineynaa inaad magacaaga ka diiwan kalisid .SO, inta aan lagaaga hormarin oo aan hadana dib lagaaga gadin qiimo aad u qaali ah.

Hadii aad u baahan tahay inaad diiwaan gelisid magacaaga, waxaan diyaar kula nahay inaan si fudud kuugu diwaan gelino, si aad u baartid magacaaga riix linkigaan. Ama waxaad si fudud WhatsApp noogu soo dirtaa magaca aad ubaahan tahay inaad diiwaan gelisid. WhatsApp Keena waa +252 61 3778777.

Comment (1)

  1. Master Togel
    16/01/2020

    Everyone loves it when folks come together and share thoughts.

    Great blog, continue the good work!

Leave your thought here

Join Our Newsletter

UNLIMITED HOSTING

RELIABLE HOSTING

GET STARTED
ORDER NOW
* Terms & Conditions Apply
UNLIMITED HOSTING

RELIABLE HOSTING

GET STARTED
ORDER NOW
* Terms & Conditions Apply
close-link
Ma rabtaa qorshe ganacsi
Waxaan kuu haynaa adeeg hormarinaya ganacsigaaga, ee ka faa'ideyso
SUBSCRIBE
Waxaa kula soo xiriir doona mid kamid ah shaqaalaheena, si uu xog kaaga qaado
close-link