Websites

Waxyaabaha lagaa rabo inaad ugu dadaashid websitekaaga

In bogg laga sameeyo internetka waa mid leh xamaasad, sidoo kale waa howl walwal uu lasocdo maadaam aad summadaada usameyneysid sawir iyo xog keydin online ah. Sida loo arko summaddaada/ganacsigaaga waxey ku xiran tahay sida loo qaato ama loo daalacdo xogta aad kusoo bandhigtay bartaada, sawiradda aad la wadaagtay, luqadda aad isticmaashay iyo khibradda aad usoo bandhigeysid macaamiishaada.

Waa arin isku xiran oo tilmaameysa waxa ganacsigaaga ama summaddaada ay utaagan tahay, sidaa darteed waa kuu muhiim inaad aqoon u yeelatid hababka loo sameeyo website wax ku ool ah.

Ku dadaal qodobada hoos ku qoran si websitekaaga uu unoqdo mid tayo sare iyo soo jiidasho leh

  • Naqshad khariiradeed oo nadiif ah waxey ka caawineysaa dadka soo booqda boggaaga iney si fudud ku helaan waxa ay raadinayaa. Khariirad isku dhexyaac ah waxay caqab ku tahay bulshadaada, sidaa darteed qofna waqti iyo juhdi ma gelinaayo inuu fahmo naqshad aan si fudud loola jaan qaadi karin.
  • Sii wareejinta soo booqdaha laga soo wareejiyo bogga hore waa mid aan kuu wanaagsaneyn. Xogtaada waxaa laga rabaa iney noqoto mid kooban oo si waadix ah loo fahmi karo si qofka soo booqdo uu u helo xog dhameysitiran.
  • Isticmaalidda sawirro awoodleh, fudud ma ahan mid u wanaagsan isticmaalaha oo kaliya, waxaa udheer iney fududeeyaan la falgalka lala falgalo xogta kujirta bartaada internetka
  • Isticmaalidda middabyo daggan oo aan ladareemeynin waxey dajiyaan shucuurta qofka xogta daalacanaya, sidaa darteed waa muhiim inaad si qoto dheer ubaartid middabada fudud ee soo jiidashada leh, kedibna aad si farsama leh ugu lifaaqdid boggaaga.
  • Waa inaad yeelata wax aad bulshada kusoo booqato ugu yeeri karto ineysameeyaan. Arintaan waa mid ufududeyneyso in bulshada ay lafalgalaan bogga
  • Waa inaad websitekaaga u yeeshaa faa’ido iyo qiimo gaar ah oo loogu imaan karo, sida inaad si joogta ah usoo gudbisid maqaallo qiimo leh oo laxiriira saaxaddaada shaqo ama xirfad, tani waa mid indhaha ufureysa dadka boggaaga soo booqdo sidoo kale waxey fududeynaysaa khibradda isticmaalka dadka boggaaga soo booqdo
  • Xogta oo ah mid soo jiidasha leh oo xajisan karta dareenka akhristaha, arintaan waxey boggaaga ka caawineysaa in lala lamaaneeyo xog tayo iyo qiimo leh.
  • Linkiyada iyo boggaga kala duwan ee websiteka oo si dhameystiran u shaqeeya waa arin tilmaameysa aqoonta aad uleedahay bogga iyo joogteynta cusbooneynta bogga
  • Faallooyin iyo talo bixinta lasoo dhigo boggaaga oo aad si dhaqsa uga jawaabtid ayaa kaa caawineysa abuurtitaanka koox ku xiran website-kaaga
  • Kusoo bandhigidda websitekaaga qaanad lagaga sii gudbi karo baraha aad kuleedahay baraha bulshada
  • In websitekaaga uu lahaado shahaadada cadeyneysa ammaanka websiteka ah ee loo yaqaano (https)
  • Websiteka oo si dhameystiran loogu sameeyay qeexitaan (description & meta tags)
  • Wax kasta oo cusub oo aad soo dhigeysid baraha bulshada iney si dhameystiran uga soo dhex muuqdaan websitekaaga

Dhammaan qodobada kor ku qoran waa kuwo kor uqaadaya sugnaanta website kaaga iyo soo jiidasha dadka soo booqda websitekaaga, sidaa darteed haddii aad ubaahan tahay in websitekaaga laga dhigo mid qodobadaas oo dhan leh, waxaad nagala soo xiriiri kartaa 0613778777 ama riix halkaan si aad noola soo xiriirto si aan talo kaaga siino kuuguna adeegno

Leave your thought here

Join Our Newsletter

UNLIMITED HOSTING

RELIABLE HOSTING

GET STARTED
ORDER NOW
* Terms & Conditions Apply
UNLIMITED HOSTING

RELIABLE HOSTING

GET STARTED
ORDER NOW
* Terms & Conditions Apply
close-link
Ma rabtaa qorshe ganacsi
Waxaan kuu haynaa adeeg hormarinaya ganacsigaaga, ee ka faa'ideyso
SUBSCRIBE
Waxaa kula soo xiriir doona mid kamid ah shaqaalaheena, si uu xog kaaga qaado
close-link